Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay inay kor u ” qaaday’ baaritaanda dada gobolka Minnesota iyadoo agabka baarita iyo u dirtay gobolkaas sida uu axadii sheegay agaasimaah FBI-da Kash Patel, tani oo tusaale u ah baaritaanada musuqmaasuqa ee maamulka Trump ee inta badan lagu bartilmaameedsaday soogalootiga Soomaaliyeed ee gobolka.
Mas’uuliyiinta federaalka ayaa toddobaadyadii u dambeeyay in Minnestoa ay tahay xarun ay bulshada Soomaalidu ku lug leeyihiin malaayiin dollar oo ka timid dowladda federalka oo la musay, kuwaas oo lagu talagalay adeegyada bulshada.
Difaacayaasha xuquuqda muhaajiriinta ayaa ku eedeeyay maamulka inuu baaritaannada khiyaanada u adeegsanayo marmarsiiyo lagu beegsanayo muhaajiriinta Soomaaliyeed guud ahaan.
Qareen Amiin Haarun ah sharci yaqaan deggan gobolka Minnesota ayaa BBC-da u sheegay in tallaabada uu sheegay Patel ay ka mid tahay wax soo socday baryihii dambe.