FIFA Oo Sheegtay in Ay Wax Ka Weydiin Doonta xariirka kubada Cagta somaaliya Musuq Maasuq Lagu Eedeeyay

Ilo ka tirsan Xiriirka K/Cagta Adduunka ee FIFA oo la hadlay Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa magaalladda London ayaa sheegay inay ka war hayaan cabashadda Gabdhaha K/Cagta ee Somalia, isla markaana ay dadaal u geli doonaan sidii ay ula kulmi lahaayeen Madaxa Gabdhaha K/Cagta ee Somalia, Shayma Maxamed.

Wargeyska waxa uu qoray in ay kordhin doonaan Taageeradda ay siiyaan Gabdhaha K/Cagta Somalia, isla markaana ay fahamsn yihiin in XSFC  magacaabi doonaan Koox cusub, si loo horumariyo Haweenka K/Cagta Somalia.

Dhinaca kale, Ilo-wareedka FIFA waxay u sheegeen Wargeyska The Guardian inay  Saraakiisha Xafiis-gobaleedka FIFA ee magaalladda Addis Abeba  sida ugu dhaqsaha badan ula kulmi doonaan XSKC, si looga wada xaajoodo qorshaha XSKC.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Madaxa Gabdhaha K/Cagta ee Somalia, Shayma Maxamed ay Qoraal cabasho ah u dirtay FIFA oo ay ku sheegtay inaysan wax feker ah ka qabin halka ay ku dambayso Lacagaha ay FIFA u qoondeeyaan Hawlaha K/Cagta ee Gabdhaha Somalia.

Dhinaca kale, Wargeyska The Guardian waxa uu qoray inay XSKC ka jawaabin wicitaankooda, si ay faahfahin uga bixiyaan dacwadda iyaga ka dhanka ah ee ay Madaxa Gabdhaha K/Cagta Somalia, Shayma Maxamed u gudbisay Ururka K/Cagta Adduunka ee FIFA.