Firdhiye oo Taageeray Wax-ka-beddelka Dastuurka

Madaxweynaha Woqooyi-bari, Mudane Firdhiye, ayaa si weyn u soo dhoweeyey wax-ka-beddelka lagu sameeyey Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay tallaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday dhanka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha dowladnimo hufan oo ku saleysan rabitaanka shacabka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Woqooyi-bari uu si buuxda u taageersan yahay dadaallada lagu horumarinayo nidaamka doorashooyinka dalka, isla markaana ay ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo shacabka si toos ah ugu dooranayaan hoggaankooda. Wuxuu carrabka ku adkeeyey in nidaamkan uu horseedi doono isla xisaabtan, hufnaan, iyo matalaad dhab ah oo ka tarjumeysa rabitaanka bulshada.

“Waxaan soo dhoweynaynaa Dastuurka wax laga beddelay, waxaana si dhab ah uga shaqaynaynaa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah,” ayuu yiri Madaxweyne Firdhiye, isaga oo xusay in maamulka uu qaadi doono tallaabooyin la taaban karo oo lagu diyaarinayo hanaanka doorashada, sida diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wacyigelinta bulshada, iyo dhisidda guddiyo doorasho oo madax-bannaan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu baaqay dhammaan maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dhameystirka hannaanka doorashooyinka, si dalka uu ugu tallaabsado marxalad cusub oo dimuqraadi ah. Wuxuu xusay in iskaashi buuxa iyo kalsooni dhexmarta hay’adaha dowladda ay muhiim u yihiin hirgelinta doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Ugu dambeyn, hadalkan Madaxweynaha Woqooyi-bari ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo isbeddello siyaasadeed oo muhiim ah, kuwaas oo la filayo inay door weyn ka ciyaaraan mustaqbalka nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya.