G/gobolka banaadir oo amar ka soo saaray xoolaha magaalada dhex jooga

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa warqad uu soo saaray wuxuu amar ku siiyay bulshada ku nool magaalada Muqdisho gaar ahaan dadka xoolaha heesta ee xoolahooda magaalada u soo daaqsima taga.

Duqa Muqdisho ayaa Taariikhda amarakan uu soo baxay oo ah 03-da July 2018 oo shalay aheyd wuxuu faray dadka xoolahooda magaalada ku soo dhex daaya inay xafidtaan xoolahooda.

Warqada ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay dadkan inay heystaan laba Todobaad oo digniin ah, wixii ka dambeeyana labadaas Todobaad ay muteysan doonto ganaax lacageed, cidii xoolaheeda ceshan weydo ee la ganaaxo muddo 3 jeer ah in lagala wareegi doono xoolaha.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday xafiiska Duqa Muqdisho:-