G/gobolka Banaadir oo amray in la banneeyo Garoonkii Jeenyo

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta amray in garoonkii Jeenyo lagu banneeyo muddo 3 cisho ah si garoonka loogu soo celiyo sidii uu ahaan jirey oo dhalinyarada ugu noqdo goob Isboorti.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale amray in dhammaan goobaha danta guud ee dawladda lagu banneeyo sida ugu dhaqsiyaha badan, iyadoo dhowaan la bilaabi doono ololaha dhammaan jardiinooyinkii loogu soo celinayo sidii ay ahaan jireen 80 naadkii. Dhamaan dhismayaasha jardiinooyinka sida Afisiyooni, 4ta Jardiino, isgoyska Boondheere iyo kuwa kaleba waa in la dumiyaa oo ay noqdaan jardiinooyin shacabku wada isticmaalo oo bilicda caasimada ka qeyb-qaata.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo) ayaa horey u amray inaan dhulalka dawladda la bixin karin, sidaas daraadeed looma dul-qaadan doonno in shaqsiyaad dano gaar ah uga faa’iideystaan dhulalkii danta guud ee dawladda. Waxaan u sheegeynaa shaqsiyaadkaas inay si sharaf leh ku soo celiyaan dhulalkaas, si dan guud loogu adeego. Ciddii awaamiirtan ka hor-timaadana waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan. “Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in la gaaray waqtigii isla-xisaabtanka iyo dabagalka, sidaas daraadeedna aan mar danbe la aqbali doonin bixinta dhul dawladeed, sidoo kalena la dabagali doono dhulalkii horey loo bixiyey ee Wasaarradaha ama D/Hoose bixiyeen, lagulana xisaabtamayo mas’uuliyiintii ku takri-fashay dhulalka dawladda sharcigana la horkeeni doono.

“Soomaaliya maanta waxay joogtaa waqtigii isla xisaabtanka, bacdamaa aan doonayo in Caasimadda loo soo celiyo bilicdeeda iyo sidii bari-samaadkii ahaan jirtey, waxaa waajib naga wada saaran yahay illaalinta iyo bad-baadinta hantida Qaranka oo taako kamid ah aan laga tanaasuli doonin.”