G/gobolka banaadir oo booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaallada Muqdisho

Muqdisho-GNNFM- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xalay saqdii dhexe ku booqday isbitaallada lagu dabiibayo dhaawacyadii ka dhashay qaraxyadii xalay ka dhacay Muqdisho oo ay geysteen Shabaab.

Guddoomiyaha oo kormeeray qeybaha kala duwan ee isbitaalka oo la dhigay dadka qaba dhaawacyada, ayaa caafimaad u rajeeyey dadka ay dhibaatadu soo gaartay, isagoo tilmaamay in qaraxyadani ay calaamad u yihiin cadowtinimada baahsan ee ay kooxaha nabad-diidka u hayaan shacabka Soomaaliyeed, waxuuna tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada dadkii falkaas ku geeriyooday.

Duqa Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday in ay si dhow ula shaqeeyaan Hay’adaha ammaanka, wuxuuna tilmaamay in dad un ay ogyihiin goobaha Shabaab ay ku soo diyaariyaan Qaraxyada.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa waxaa booqashada uu ku tagey Isbitaallada ku weheliyey Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Benaadir.