Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliyaan guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xog’hayaha guud ee maamulka gobolka ayaa booqday xaafada Ceel-Qalow iyo xaafada Xalane ee degmada Wadajir oo roobkii Gu’a ahaa ee Xalay da’ay uu sababay dhimashada 6-ruux oo iyo bur bur gurya ku yaala xaafadahaas
Duqa magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyiinta kale ayaa si gaar ah ula kulmay qoysaskii ay wax yeelada kasoo gaartay roobkii da’ay saacadihii lasoo dhaafay waxa ayna kaga tacsiyadeeyeen dhibkii soo gaaray islamarkaana u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu garab taagan yahay.
Ugu danbeyn maamulka gobolka Banaadir ayaa deeq lacag ah ku wareejiyay qoysaskii ay wax yeeladu soo gaartay si ay nolashooda ugu maareeyaan.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaanan ku guuleysan in wax uu ka qabto burburka baahsan ee xilligaan ka jira wadooyinka Muqdisho oo uu Roobka burburiyay,iyada oo Shacabka laga qaado Canshuur farabadan.