G/gobolka banaadir oo Daah-furay mashruuca qiimeynta bulaacadaha Caasimadda

Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa maanta Daahfuray Mashruuc lagu soo diyaarinayo daraasad iyo qiimeyn la xiriirta sidii Xal waara loogu heli lahaa arrimaha biyo fariisadka iyo bulaacadaha oo xilli roobaadka yeesha saameyn weyn.

Maamulka Gobolka Benaadir oo in muddo ah ku howllanaa sidii xal waara loogu heli lahaa saameynta roobabka ayaa ka codsaday Bankiga Adduunka maalgelin buuxda oo magaalada Muqdisho looga hirgelinayo bullaacado biyaha roobka si toos ah badda ugu shubo iyo dayactirka waddooyinka.

Guddoomiye Yarisow ayaa sheegay in maamulka Gobolka Benaadir uu la tacaalayo wax-ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay bulaacadaha, isagoo xusay in xiliga dhow uu qorshuhu yahay in Caasimaddu ay yeelato goobo ay biyuhu isaga gudbaan.

“Magaalada Muqdisho waa ay lahaan jirtay Tubooyin qaada biyaha roobka iyo tubooyin bixiya wasakhda (Sewage). Qaarkood wa shaqeeyan hadda oo qeybo ka mid ah magaalada ayey biyha ka saaraan. Si walba ha ahaatee, xilli roobaad walba waxaa magaalada Muqdisho soo gaara dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid tahay, Jidadka waaweyn oo qaarkood burbura iyo nadaafadda deegaanka oo xumaata, waana taas midda aan rabno waqtiga dhow in xal waara loo helo”.Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa muhiimad gaar ah siinaya xal-u-helidda dhibaatada ay ku hayaan daadaka biyaha roobka ee burburiya magaalada, mar walba uu roob da’o. Waxuna maamulku qorshaynayaa in waqtiga dhow arrintaa xal loo helo si loo ilaaliya nadaafadda Caasimadda.