G/gobolka Banaadir oo Daahfuray barnaamij cusub oo gaadiidka dadweynaha canshuur looga qaadayo

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa mudisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta daah furay  iyo bajaajta lacagaha canshuurta looga qaadayo.

Barnaamijkan ayaa waxa uu meesha ka saaraya dhibaatooyinka lagu hayo dhalinyarada bajaajleyda ah iyo gaadiidka dadweynaha oo ay kala kulmayaan ciidamada dowladda oo wado walbo ku weydiiyo waraaqaha.

Sidoo kale barnaamijka ayaa waxa uu kor u qaadaya daqliga bilaha ee soo gala dowladda Hoose ee Xamar.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maaliyada ee gobolka banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa sheegay in nidaamka uu meesha ka saarayo lacagaha kaashka ah e gacanta ugu imaan jirtay shaqaalaha.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa mudisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ugu mahad celiyay waaxda maamulka iyo maaliyadda howsha wanaagsan oo ay wado.

Dhanka kale Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa mudisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Xarunta degmada Warta Nabada ka daah furay Xafiiska adeega dadweynaha.

Xafiiskan ayaa bixinaya adeegyada dadweynaha, waxaana horay loogu hirgeliyay 4 degmo oo ka mid ah degmooyinka gobolka banaadir