G/gobolka banaadir Oo dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka ee Hodan

 Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa dhagax-dhigay xarunta Dabdamiska iyo Gurmadka deg-degga ah oo laga hirgeliyay degmada Hodan, gaar ahaan Waaxda Xaawo Taako, xaruntan ayaa loogu adeegi doono degmooyinka isku xiran ee Qeybta Waliyow Cadde sida Hodan, Waaberi, Howl-Wadaag iyo Xamar Jajab.

Eng. Yarisow oo dhagax-dhigga kadib hadlay ayaa tilmaamay in Hodan ay tahay degmadii ugu horeysay ee mashruucan laga fuliyay, waxuna xusay in furitaanka xarumaha gurmadku ay muhiim u yihiin bulshada deegaanka.

Duqa Caasimadda ayaa xusay in guud ahaan degmooyinka kale laga hirgelin doono mashruucan, si shacabka loogu dhaweeyo dawladnimada, isagoo xusay boqolkii maalmood ee ugu horeeyey maamulka uu hoggaamiyo in guulo wax ku ool ah laga gaaray baahinta adeegyada bulshada ee horey dhibaato shacabka uga haysatay.

 Guddoomiyaha ayaa waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku weheliyey Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaha degmada Hodan Mudane Maxamed Axmed Cantoobo iyo Agaasimaha Xafiiska Duqa Marwo Nimco Axmed.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa kormeeray wadada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha oo meel wanaagsan mareyo dhisamaha laami saarida ah ee wadadani oo in muda ah bur bursaneyd isla-markaana ay marideeda dhibaatooyin ku qabeen bulshada iyo gaadiidka isticmaala.

Gudoomiyaha gobolka Benaadir, waxuu bogaadiyey isku tashiga shacabka, ganacsatada iyo maamullada degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag oo kaalin muhiim ah ka qaatay hirgelinta wadadan, waxuna ku baaqay in loo istaago dhismaha jidadka Caasimadda, lana bixiyo canshuuraha si bulshadu u hesho adeegga ay u baahan yihiin.