G/ gobolka Banaadir oo digniin u diray Hay’addaha Samafalka

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir ay tilaabo ka qaadi doonaan Hay’addaha Samafalka ee sida Sharci darada ah ugu shaqeysta Muqdisho.

Gudoomiye Yariisow Waxaa uu tilmaamay in Muqdisho ay jooggaan Hay’addo badan oo shaqooyin kala duwan qabta,kuwaasoo aysan la socon maamulka gobolka Banaadir.

Waxaa uu xusay in ay muhiim tahay in ay isasoo diwaangaliyaan,islamarkaana lala socdo shaqooyinka ay qabtaan.

Maamulka gobolka Banaadir ayuu sheegay in ay la shaqeyn doonaan Hay’addaha diwaangashan ee Muqdisho ka howlgalla.