G/gobolka banaadir oo digniin u diray horjoogayaasha kaamamka barakacayaasha

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho eng C/raxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa digniin u diray horjoogayaasha kaamamka barakacayaasha eeĀ  ku yaalla gobolka banaadir.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay talaabo ka qaadayaan cidii lagu arkaa iyadoo oo dhibaateyneysa qoysaska danyarta ah ee kaamamka ku nool sidoo kalena been u sheegeysa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddi koormeer ay u dirayaan xerooyinka sidoo kalena talaabo laga qaadayo.

Ā Waxa uu xusay in ay jiraan dad magacyo hayā€™ado aan jirin dadka wax ugu dhaca.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho eng C/raxmaan Cumar Cismaan yariisow ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta muqdisho kaga qeyb galay kulan loogu hadlaayay dib u dajinta iyo qorshayaasha hormarineed ee dadka ku soo barakacay gobolka banaadir.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaarada qorsheynta qaranka Jamaal Maxamed Xasan, wasiiru dowlaha xafiiska raysal wasaaraha iyo xubno kale oo ka socday hayā€™adaha arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha ka shaqeeya.