G/Gobolka Banaadir Oo Digniin udiray Ganacsatada Magaalada muqdisho

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan CumarĀ  Cismaan Yariisow ayaa digniin u diray ganacsatada ku ganacsatada hareeraha wadooyinka muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada faray iney ka qeyb qaataan ololaha bilic soo celinta caasimada sidoo kalena ay ka shaqeeyaan nadaafada goobahooda ganacsi.

Waxa uu tilmaamay in maamulkiisa uusan aqbali doonin nadaafad daro lagu arko goobaha ganacsiga ee Muqdisho loona baahan yahay in cid walbo masuuliyad gaar ah iska saarto nadaafada iyo hormarita magaalada.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan CumarĀ  Cismaan Yariisow ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii shacabka degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan uu maanta kala qeyb gay howlo nadaafadeed oo ay ka wadeen degmooyinkaasi.

Guddoomye Yariisow waxaa ololahaan nadaafadeed kala qeyb galay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo maamulada degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid.