G/gobolka banaadir oo guddoomiyey kulan looga hadlayey Xasilinta Caasimadda

Muqdisho-GNNFM- Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in maamulka iyo shacabka Gobolka ay ka go’an tahay sidii ay qeyb tooda uga qaadan lahaayeen qorshe-yaasha lagu dar-dar gelinayo xasilinta amniga Caasimadda.

Eng. Yarisow oo guddoominayey kulan ay ka soo qeyb galeen Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda, Guddoomiyeyaasha 17ka degmo ee Gobolka Benaadir iyo Taliyeyaasha heer degmo ee ciidamada Booliska, Nabad Sugidda iyo Asluubta ayaa xusay muhiimadda ay u leedahay wada shaqeyntu sugidda ammaanka iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in la mideeyo qorsheyaasha lagaga hor-tagayo falalka arxan darrada ah ee Alshabaab ay u maleegayaan shacabka.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa si gaar ah ugula dar-daarmay maamulka degmooyinka in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin, qeybaha ciidamadda iyo bulshada degmooyinkooda taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta caasimadda.

“Waxaa xaqiiq ah in weli ay jiraan caqabado dhinaca ammaanka ah, kuwaas oo aan la yareysan karin, balse haddii aan sii xoojinno dadaalkeenna iyo wada shaqeynta aan la leenahay bulshada degmooyinka waxaa hubaal ah in lagu guuleysanayo xasilinta amniga caasimadda oo laf-dhabar u ah deganaanshaha guud ee dalka.”

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogteynayo kulanka oo noqon doonna bille iyo shirarka kale ee todobaadlaha ah ee Guddiga Amniga Gobolka Benaadir, iyadoona sidoo kale dadaal dheer la gelin doono kor u qaadista wacyi gelinta bulshada sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo xoojinta wada shaqeynta ay la leeyihiin laamaha ammaanka.