G/gobolka banaadir oo isugu yeeray maamuladda degmooyinka iyo Saraakiisha Amniga

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa maanta Isugu yeeray Gudoomiyeyaasha degmooyinka Magaalada Muqdisho iyo sidoo kale Saraakiisha Amniga.

Gudoomiyaha ayaa lagu waddaa in uu kala hadlo Saraakiisha Amniga iyo maamulada degmooyinka sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka cusub ee Muqdisho ka bilaaban doona.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa shalay ku dhawaaqday in Magaalada Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal Ballaaran oo lagu xaqiijinaayo Ammaanka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu waddaa in ay kaalin lixaad leh ay ka qaataan howlgalkaasi, oo markii ugu horresay ay ka qeyb gali doonaan fulintiisa ciidamada Asluubta iyo AMISOM