G/gobolka Banaadir oo ka hadlay wixii u qabsoomay Maamulkiisa+sawiro

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo marti ku ahaa barnaamijka Dood Furan ee ka baxa Telefeshinka Qaranka ayaa ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay maamulkiisa iyo halka uu hiigsanayo.

Guddoomiyaha ayaa marka hore ka warbixiyey xaaladaha amniga, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha jira. Sidoo kale waxuu ka hadlay qorshaha uga dagsan dhinacyada amniga, isku-xirka bulshada, maamul wanaagga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Barakacayaasha.

Duqa Muqdisho ayaa u caddeeyey bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda in maamulkiisu uu diyaar u yahay xaqiijinta amniga, waxuna xusay in la bilaabay wadatashiyo ay shacabku qeyb ka yihiin oo amniga lagu sugayo. Isagoo intaas ku daray in la furay qaar kamid ah waddooyinkii xirnaa inta dhimanna dhowaan la furi doonno, si loo fududeeyo isku socodka magaalada.

Eng. Yarisow oo ka hadlayey soo celinta Bilicda Caasimadda ayaa yiri; “Si loo helo magaallo nadiif ah waxaan bilownay olole ballaaran oo qashinka lagu xaaqayo, balse baaxadda qashinka magaalada yaalla waxuu u baahan yahay wacyigelin iyo howl adag. Dhowaana waxaan keeni doonnaa qalab casri ah oo howshan qeyb ka qaata, waxaana rajeynayaa in bilaha dhow isbadel laga dareemi doonno bilicda magaalada”.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo ka hadlayay burburka jidadka magaalada ayaa xusay in dhismaha waddooyinku ay u leeyihiin mudnaan sare, si taas looga dhabeenaya bulshada Soomaaliyeed laga doonayo in kaalintooda ay qaataan. Iyadoo laga duulayo qorshaha isku tashigana bishii hore la bilaabay dhameystirka jidka Soddonka, uuna ku xigi doonno dhismaha jidka Liido. Sidoo kale waxuu sheegay in bisha Juun ee soo socota la bilaabayo waddooyinka xaafadaha (dhagaxa inter log) oo dhismahooda ay gacan ka geysanayso dawladda Jarmalka.

Isagoo ka hadlayay dhaqaalaha iyo soo celinta goobihii dalxiiska, waxuu tilmaamay G. Yarisow in hufnaanta maaliyadda iyo isla-xisaabtankuba gundhig u yihiin maamulkiisa, lacagaha soo xaroodana ay maraan Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, loona maamulo si waafaqsan sharciga maaliyadda dalka.

Sidoo kale waxuu sheegay in dhaqaalaha iyo ganacsiguba ay kor u kaceen ka badan intii hore sida lagu xusay warbixintii ay dhowaan soo saartay hay’adda lacagta adduunka, kalsoonida maal-gashiga iyo dalxiiska caalamiga ah ee Caasimadduna soo noolaanayo dibna loo howlgelinayo goobihii caanka ku ahaa dalxiiska, arintan oo ku timid rajo xasillooni iyo isbedel la dareemay.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay arrimaha baahinta adeegyada asaasiga ah ayaa yiri; “Waxaan hoos ugu daadejinay Degmooyinka Gobolka Benaadir adeegyadii loogu imaan jiray xarunta dhexe oo shacabka caqabado ka haysateen, waxayna hadda ka heli karaan degmooyinka Hodon, Howl Wadaag, Wadajir iyo Warta Nabadda, degmooyinka dhimanna todobaadyada soo aadan ayaa laga furi doonno xafiisyadan hadii uu Alle idmo.”

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in la hirgeliyey hab casri electronic ah kaas oo lagu diiwan gelinayo BL ka iyo Bajaajta waxayna qeyb ka qaadan doontaa la dagaalanka musuqa iyo amniga, lacagaha ay bixin doonaanna waxay si toos ugu shubayaan EVC bank, si meesha looga saaro cabashooyinkii jiray.

Arrimaha Dhulalka oo muran badan ka jiray ayuu sheegay Eng. Yarisow in wax badan laga qabtay mudadii koobeyd ee uu xafiiska joogay, cid walba oo lagu helo ku xad gudub sharci iyo warqado been abuur ahna ay mari doonto ciqaab adag. Waxuna ugu baaqay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in doorkooda ay ka qaataan wax walba oo lagu horumarinayo caddaaladda dalka.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in heshiiskii dhowaan laga gaaray qeybsiga Kheyraadka dalka uu gobolka Benaadir u sahlayo ka faa’iideysiga khayraadka Badaha, lana dhisayo hay’addii kaluumeysiga gobolka, si heshiisyo loola galo shirkadaha danaynaya in ay kaluumeystaan.

Mudane Yarisow oo ka hadlayay arrimaha Doorashooyinka iyo dib-u-eegista Dastuurka ayaa yiri; “Anagoo oo kaashanayna Wasaaradda Dastuurka waxaan sameyney wada tashi ku saabsan dib-u-eegista Dastuurka, waxaana u diyaar garowney daadajinta wada tashiga geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka ee heer bulsho deegaan. Waxaan sidoo kale sameyney wada tashiyo bulsho ee dhinaca doorashooyinka anagoo kaa shanayno Gudiga madaxa banana ee doorashooyinka Qaranka.

Waxaa uu ku celceliyay guddoomiyuhu baahida loo qabo in xal waara oo ay uga baxaan barakaca loo helo dadka Soomaaliyeed ee daafaha iyo gudaha magaalada ku soo barakacay, isagoo tilmaamay in maamulkiisu uu qaaday tallaabooyin wax ku ool ah si qaxa iyo barakaca dagaallada sokeeye ka dhashay loogu helo xal maangal ah ee waafaqsan bani’aadamnimada, isla markaana qorshuhu yahay marka la gaaro sanadka 2022 dib loogu celiyo dadka barakacayaasha ah bulshadooda.

Iyadoo laga duulayo qorshaha horumarinta iyo xiriirka Caasimaddu la leedahay Caasimadaha kale, ayuu sheegay guddoomiyuhu in Casuumaad uu ka helay labada Duq magaallo ee Ankara iyo Istanbuul si Caasimaddu ay ula tartanto dunida inteeda kale.