G/gobolka banaadir oo kubaaqay in labixiyo lacagaha Canshuuraha

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa ugu baaqay bulshada ku nool Muqdisho inay bixiyaan canshuurta, maadaama dowladda hoose ay u baahan tahay dhaqaale.

Yariisow, ayaa Afartii Bishii April ee sanadkaan sheegay dakhliga dalka inuu kordhay, kadib sadexdii bilood ee horraanta sanadkan markii Canshuur ahaan ay u soo xarootay lacag gaareysa $42.5 milyan, ahna heerkii ugu sarreeyay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe.

Iyadoo aysan jirin hawl qabad muuqda oo ay helaan dadka ku nool Magaalada Muqdisho, taasi oo ku aadan dhanka caafimaadka, Waxbarashada, amniga iyo adeegyada buuxa ee looga baahan yahay Maamul dowlad hoose, ayaa haddana Gudoomiye Yariisow wuxuu mar kale dalbanayaa in canshuurta ay bixiyaan bulshada ku nool Muqdisho.