G/gobolka banaadir Oo Kurmeeray goobaha ay kasocdaan imtixaanada

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo wehlinaayay Wasiirka waxbarashadda Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan ayaa Kormeer ku tagay qaar ka mid ah Goobaha ay ka socdaan Imtixaanada dugsiyadda Sare ee Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa Ardayda kula dardaarmay in ay laba jibaaraan dadaalkooda,islamarkaana ay iska ilaaliyaan qishka.

Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka,  waxaa sanadkaan  u fariisanaya 27,600 oo arday.