G/gobolka banaadir oo la kulmay Michael Keating

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Michael Keating.

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ku wehlinaayay masuuliyiin ka tirsan gobolka banaadir iyo saraakiil ka socotay Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen arrimaha Dimocracy ee gobolka banaadir iyo dhismaha golayaasha degmooyinka.

Sidoo kale waxa ay ka wada hadleyn hormarinta caasimada iyo shacabka gobolka ay u heli lahaayeen adeegyo tayo leh oo hormarsan.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in QM ay la wadaageen waxyaabihii u qabsoomay mudada kooban oo ay joogaan iyo qorshayaasha hormarineed oo ay magaaladaan u dajiyeen.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in Xafiiska QM ee Soomaaliya ay ka dalbadeyn in wax badan ay ka caawiyaan maamulkiisa iyo shacabka gobolka.

Ergayga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb Michael Keating ayaa dhankiisa sheegay in gobolka banaadir arrimo badan ay ka shaqeynayaan, hay’addaha QM ee Soomaaliya ka howlgalana ay doorkooda ka qaadan doonaan hormarinka caasimada.