G/gobolka Banaadir oo lagu eedeeyay inuu niyad jabinaayo dhalinyarada

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa Arbacadii booqday Xarunta Shirkadda Bilicsan oo ka mid ah Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee hal abuurada ganacsiga ku soo kordhisay Muqdisho,isaga oo Duqa Muqdisho ku ammaanay masuuliyiinta Shirkadaasi hanaanka dhiiragelinta leh ee ay kaga shaqeynayaan horumarinta caasimadda.

Saacado un kadib markii ay ka soo wareegatay hadalka Gudoomiyaha iyo Booqashadiisa xaruntan, ayaa maalintii xigtay waxaa Xafiiska Duqa Muqdisho laga soo saaray laba Warqad oo shaqooyinkii looga joojiyay Shadoor Xaaji Shadoor oo ahaa Lataliyihii dhanka Warfaafinta Duqa Muqdisho oo lagu dhex arkay, isaga oo ka qaybgalaya Xafladii Xibsiga Madaxweyne Xasan Sheekh ee Khamiistii ka dhacday Muqdisho iyo mid lagu joojinaayay hawlaha Shirkadda Bilicsan ay ka wado Muqdisho, iyadoo loo cuskaday illaa amar dambe inaysan shaqeyn Karin inta ay u hogaansameyso nidaamka iyo xeerarka u degsan Gobolka Banaadir.

Hoos ka dhageyso Warbixin ku saabsan Niyadjabinta Gudoomiye Yariisow ee dhalinyaradda Soomaaliyeed.