Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa Xarunta Dowladda Hoose ee Muqdisho kusoo dhaweeyey taliyaha ciidanka Asluubta dalka Suudan oo maalamahaan booqasho ku jooga Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Sudan S/Guud Hatim Abdulkadir Alnur iyo Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii dowladda suudan gacan uga geysan laheyd dib u dhis lagu sameynayo Xabsiyada ku yaalla Gobolkan Banaadir.
“Taliyaha Ciidanka Asluubta Sudan S/Guud Hatim Abdulkadir Alnur  oo maalmahan booqasho ku joogay Muqdisho ayaan ka wada hadalnay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarinta Xabsiyada Caasimadda ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Kulanka ayaa labada masuul waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac( Bashiir Goobe) iyo Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur,waxana uu kusoo geba-gaboobay sidii loogu talo galay.