G/gobolka Banaadir oo mamnuucay in dekada Muqdisho laga Soo dejiyo mooto Bajaaj

Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa lagu mamnuucay in dekada Muqdisho laga soo dejiyo mooto Bajaaj cusub.

Gudoomiye Yariisow ayaa sidoo kale Mamnuuucay in wadooyinka laga soo galo Muqdisho laga soo galiyo Mooto.

Sababta ayaa lagu micneeyay in ay bateen cabashooyinka dad weynaha iyo hey’addaha amniga ay kasoo jeedinaayan wadayaasha mooto bajaajka.

Gudoomiye Yariisow ayaa sidoo kale sheegay  mash quul xoogan ( saxmad) ku haayan wadooyinka maadaama ay aad u bateen tirada mootooyinka bajaajta ka howl-gala gobolka Banaadir.