G/ gobolka banaadir oo Talyaaniga kala wareegay qalab casri ah

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socotay qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga, waxuna uga mahadceliyey taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in agabka ay kala wareegeen Talyaaniga uu yahay mid casri ah oo gacan ka geysanaya Dabdamiska Caasimadda, waxuna xusay in maamulkiisu uu mudnaan dhow siinayo sidii adeegyada dabdamisku u noqon lahaayeen kuwa dhameystiran oo dabooli kara baahida shacabka.

“Waxaan uga mahadceliyaa Saraakiisha ka socota Qeybta Mashaariicda Rayidka ah ee Dawladda Talyaaniga oo maanta noogu yimid xarunta Dawladda Hoose, si ay noogu wareejiyaan agabkan casriga ah ee lagu horumarinayo Dabdamiska Caasimadda, tani waa bilow waxaana rajeynayaa in waqtiyada dhow ay sii socon doonto kaalmada ay siinayaan shacabka Soomaaliyeed ee Caasimadda.”Ayuu yiri Guddoomiye Eng. Yarisow.

Dhinaca kale, Sarkaalka ugu sareeya qeybta mashaariicda rayidka ee Talyaaniga ayaa xusay ujeedka qalabkan ay u keeneen inuu yahay sidii shacabka Caasimaddu ay uga caawin lahaayeen baahidooda dhinaca Dabdamiska ah.