G/gobolka banaadir “Uma Dulqaadan doono in qashin lagu shubo waddooyinka”+SAWIRRO

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin.

Duqa Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Muqdisho in hadda wixii ka danbeeya qashinka lagu shubi doono godadka waaweyn oo loo sameynayo, taas oo xal u noqonaysa qashinka faraha badan ee la dhigo goobaha ay bulshadu maraan.

“Nadaafaddu Caasimaddu waxay nooleedahay mudnaan sare, waxaan shacabka Caasimadda ku wargelinaynaa wixii maanta ka danbeeya in qof walba oo qashin ku shuba goobaha aan loogu talagelin lagula xisaabtami doono”.Ayuu yiri Eng. Yarisow oo shacabka Muqdisho ku dhiirigeliyey in si wadajir ah loogu istaago nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Dhanka kale, Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa maanta uga qeyb galay Safaaradda Turkiga mashruuc ay hay’adda bisha Cas ee dalkaas agab gargaar ah ku siinaysay 80 ruux oo kamid ah dadka qaba baahiyaha gaar ah, waxuu uga mahadceliyey isgarabtaagga dawladda Turkiga ee shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada nugul.