G/gobolka Banaadir “Waxan Ka Shaqayn La’ahay Madax Ka Tirsan Dowladda Oo Dana Gaar Ah Ka Leh Gobalka”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa sheegay in mudo Saddex  bilood ah ay la tacaalayaan madax ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay uga deegi la’yihiin Shacabka.

Waxa uu sheegay in rag ay saaxiibo yihiin oo isugu jira Xildhibaano,Wasiiro iyo siyaasiyiin ay Xafiiskiisa yimaadaan,iyaga oo Shacabkii loo Shaqeyn lahaa cariiriya.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli ay aad u adag tahay in Shacabka adeegyada uga baahda Xarunta Maamulka gobolka Banaadir in ay galaan.

HOOS KADHEGEYSO CODKA YARIISOW