Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa sheegay in ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah ay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya, xili uu ka hadlayay qado saagootin ah oo Xildhibaan Sheekh Mustafa Cali Dhuxulow u sameeyey kooxda FC Benadir Sports Clup oo dhowaan ka qeyb geli doonta isreeb-reebka Cayaaraha Jaamacadda Carabta.
Eng. Yarisow ayaa ku dhiiragaliyay dhalinyarada iney kor u qaadaaan cayaaraha, isagoo tilmaamay in isboortigu kaliya uusan ahayn kubad la cayaaro ee uu qeyb muhiim ah ka yahay nabadda iyo isdhexgalka bulshada.
“Ka qeyb galka Cayaaraha heer Caalami ah waxay astaan u tahay soo noqoshada Dawladnimada Soomaaliya iyo in dalku uu kaalintiisii isboorti dib ula soo laabtay. Waxaa xusid mudan in xulka kubadda cagta ee da’doodu ka hooseyso 17 jirada ee bariga iyo bartamaha Afrika ay gaareen heer kama danbeys ah. “Ayuu yiri Eng. Yarisow
Munaasabaddan qadada ah ee uu soo agaasimey Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Xildhibaano, bahda Isboortiga, khabiiro Soomaaliyeed oo ku xeel-dheer arrimahan, xubno ka tirsan bulshada rayidka ah iyo saraakiil dawladeed, waxayna dhammaantood guul u rajeeyeen kooxdan oo ku soo cayaari doonta magaca Soomaaliya.