G/gobolka bari oo sheegay in Ay dad dani gaar ah leh bur burinayaan Puntland

Gudoomiyaha Gobolka Bari ee Dowlad Goboleedka Puntland Cabdi Samad Yuusuf Abwaan ayaa sheegay in dad lacag Boqol Doolar ah Ceyr ahaan loo siiyo ay isku dayayaan inay ka qeyb qaataan burburin lagu haayo Puntland.

Waxaa uu sheegay in Rag dhalinyaro ah oo joogo Yurub jooga ay lacago ku qaataan inay aflagaadeeyaan Madaxda Puntland,hayeeshee aysan hadalkaas waxba u dhimeyn.

“Dad boqol doolar cayr uqaata ayaa doonaya in ay Puntland burburiyaan, kama yeeli doono, Madaxda Puntland waxba kama tarayaan hadalkadaas,waxaana leeyahay meeshiina ka qeyliya anagana howsheena waan wadeynaa ayuu yiri” Guddoomiyaha.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Cadawga Puntland aysan arkin horumarka a gaareen,waxaana uu sheegay in Puntland ay xoolo u dhoofiso qaar kamid ah dalalka Carbeed.