DHEGEYSO:G/Gobolka Hiiraan Cali jeyte Oo Baaq udiray Beelaha Kudagaalamay Xadka Hiiraan Iyo Galgaduud

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa si kulul uga hadlay dagaalo ka soo cusboonaaday deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolkaas,dagaalkaas oo u dhaxeeya labada Maleeshiyo Beeleed.

Dagaalka oo taagnaa todobadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dagaalkii u dambeeyay ay ku geeriyoodeen ilaa 2 ruux oo labada maleeshiyo ee degaalanta ka soo kala jeeda.

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegayan in ay Magacaabeen gudi ka qeyb qaata joojinta dagaal beeleedyadaas,isaga oo ugu baaqay maleeshiyaadka dagaalamaya in ay joojiyaan.dagaalka

DHanka kale waxaa jira Odayaal iyo Waxgarad Kabaxay Degmada Guriceel si ay uga Qeyb Qaataan Dejinta xiisada halkaasi Kataagan

Waxaa lafilayaa in ay Halkaasi tagaan odayaal labada dhinac Kasocda si loo dejiyo xiisada

Dagaalkan udhexeeye labada beelood ayaa kabilawday ceelbiyood halkaasi laga qodayay

HOOS KADHGEYSO CODKA CALI JEYTE