G/gobolka Sh.dhexe oo Shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhaxe Axmed Meere Makaraan (Axmed Faal) oo la hadlaayay shacabka ku nool gobolkaasi ayaa waxa uu ka dalbaday in ay ciidamada kala shaqeeyaan sugida amniga.

Waxa uu ugu baaqay bulshada in ay la xiriiraan ciidamada amaanka hadii ay arkaan dad sameynaya waxyaabo amniga lidi ku ah.

Waxa uu intaas ku daray gudoomiye Axmed Faal in hadii ay wada shaqayaan ciidamada iyo shacabka la weynaayo dadka amni darada ka geysta gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Mudooyinkii dambe ayaa waxa gobolka Shabeelaha Dhaxe kusoo badanayaayey kooxo hubeysan ee dhaca u geysta dadka ku dhex safra Gobolkaasi.