G/Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga doorashooyinka madaxa banaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa la kulmay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka.

Guddiga ayaa ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay mudadii afarta bil ahayd ee la soo dhaafay iyo waxyaabaha u qorsheysan bilaha soo socda.

Sidoo kale guddiga ayaa sharaxaad ka bixiyay istaraatiijiyada ay u diyaariyeen doorashada iyo kulamada wadatashi oo ay wadaan.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ( Xaliimo Yareey ) ayaa sheegtay in ay si wanaagsan shaqooyinkooda ugu socdaan.

” Guddigeena howlo wanaagsan oo muhiim u ah dalka ayuu wadaa, Xisbiyada diiwaan gelintooda meel wanaagsan ayay noo mareysaa, waxaa sameysanay xafiisyo cusub si shaqooyinkeena an usii hormarino” ayay tiri Marwo Xaliimo yareey.

” Guddoomiye waxan kaa rajeyneynaa inad si hagar la’aan ah noola shaqeyn doonto, howlaha noo harsan hadaan nala garab istaagin maku guuleysan karno” ayay mar kale tiri Marwo Xaliimo yareey.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa amaanay shaqooyinka ay wadaan guddiga.