G/Golaha Shacabka oo la kulmay Guddiga Xeer Hoosaadka ee Baarlamaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya  Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan la qaatay Guddiga xeer hoosaadka ee Golaha Shacabka, waxaana kulanka looga hadlay wax ka bedelka Dastuurka.

Guddiga ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka uga warbixiyay arrimaha la xiriira wax ka bedelka Dastuurka iyagoo si gaar ah uga hadlay qodobada u baahan in wax ka bedel lagu sameeyo.

Cabdi kariin Xaaji Cabdi Buux oo ah Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in Maadaama xeer hoosaadka uu Goluhu ku shaqeeyo muhiimna uu yahay guddoonka iyo gudiguba ay xooga saari doonaan sidii wax Ka bedelkiisa looga shaqeyn lahaa.