G/ku xigeenka Maamulka G/Banaadir Mudane Yabooh oo kulan laqaatay Ururada Dhalinyarada Degmooyinka G/Banaadir.

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Guddoomiye-yaasha ururrada dhallinyarada ee degmooyinka iyo deegaannada Maamulka Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta dhaxe ee ururka Dhallinyarada.

Guddoomiye Yabooh ayaa ugu horeyn dhagaystay baahiyaha ururrada dhallinyarada ee ka dhisan degmooyinka iyo ka qeyb-qaadashadooda howlaha baaxadda leh ee ka socda Gobolka oo uu ugu horreeyo amniga, iyo ka qeyb-galka dhallinyarada ee doorashooyinka iyo dib u dhiska Guud ee dalka.

Dhanka kale Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) ayaa 150 qof oo kamid ah dhallinyarada degmooyinka u furay tababar aqoon kororsi ah oo ay ku baran doonaan Habka eegista dacwadaha madaniga ah, culuumta saxaafadda, barashada culuumta bulshada iyo adeegsiga xirfadda Computer-ka.