Gaadiidleyda Magaalada Nairobi oo maanta shaqo joojin kudhawaaqay

Ururka ay ku bahaabeen gaadiidleyda ayaa ku amray darawalada iyo shaqaalaha gawaarida dadwaynaha in ay gawaaridooda ku gooyaan wadooyiinka ayna isaga tagaan si ay cabashadooda u muujiyaan.

Milkiilayaasha gaadiidka caasimada Nairobi ayaa maanta qorsheeyay in ay shaqa joojin ku dhaqaaqaan taasi oo ay uga cabanayaan canshuurta lagu soo rogay shidaalka.

Waaxda keyd haynta ayaa qorshaynaysa in ay dhaqangaliso boqolkiiba 16 ah canshuur dheeraad ah oo la saarayo shidaalka , waxaana arrintani ay taabagal noqonaysaa 1 bisha September ka dib markii horey muddo labo sano ah dib loo dhigay.

Dibed baxa ayaa la filayaa in uu socdo saddex saacadood, laga bilaabo maanta 7:30 aroornimo ilaa 10:30 barqanimo.

Waa xilliyada ugu mashquulka badan waddooyinka Nairobi, waaxana ay saameyn weyn arrintaan ku yeelan doontaa boqolaal qof oo u kala goosha goobo kala duwan oo ka tirsan caasimadda.

Gudoomiyaha gaadiidleeyda kenya Peter Murima ayaa sheegaya in isbedlkan uu sameyn doono guud ahaan qiimaha noolasha reer Kenya.