Gaari ay saarnaayeen Walxaha Qarxa oo lagu qabtay Degmadda Caabduwaaq.

Wararka ay Radio Galgaduud goordhaw ka heshay Degmada Caabudwaaq ee Gobolkani Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamaddda Amniga Degmadda Caabudwaaq ee Dowlad Goboleedka Galmudug ay qabteen Gaari ah nuuca Candho- meedlaha loo yaqaan oo ay saarneeyeen walxaha Qarxa iyo Alaabo kale oo Caadi ah.

Sida Warka ku heshay Radio Galgaduud Gaariga ayaa ka yimid dhanka Goboladda Waqooyi waxaana maalmahan uu ku sugnaa Degmadda Caabuwaaq isaga oo kusii jeeday Magaaladda Muqdisho.

Xogta walxaha Qarxa ee gaariga saaran ayaa la ogaaday kadib markii qayb kamida Alaabta saarneed lagu dajiyay Xaafad ku taal Caabudwaaq isla markaana mar qura lagu dhex arkay Walxa qarxa ok horey loogu soo dhex qariyay Gaariga.

Saraakiisha Booliska Magaaladda Caabudwaaq ayaa Suxufiyiinta u sheegay in ay faah faahin buuxda ka bixi doonaan arimahani isla markaana baaritaan dheeri ay wali ku mashquulsanyihiin.

Dhanka kale waxa ay dadka degaanka u xaqiijiyeen Radio Galgaduud in la xiray mid kamida Raggi Gaarigani watay islamarkaana uu baxsaday qof labaad oo Ciidamadu ay ku daba jiraan weli.

Kala soco Radio Galgaduud wixii dheeri ah ee Warkan kusoo kordha