Gaas oo dowladda dhexe ku dhaliilay Qaabka Ay uwajeheyso wadahadalka Somaliland

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay hanaanka ay u wajaheyso wada hadalada Somaliland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in Muuse Biixi uusan go’aan ka gaari karin in Somaliland ay la midowdo Soomaaliya sidaas darteed loo baahan yahay in wadatashiyada iyo kulamada labada dhinac la xoojiyo.

Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qabto kulamo waa weyn oo shacabka u dhaxeeya, waxa uu xusay in maamulka Somaliland ay qasbeyso shacabka ku nool gobolada Sool iyo Sanaag.

“Arrinta Soomaaliya iyo Somaliland hadii aan wax yar ka iraahdo, horta ma jiraan wax la yiraahdo Soomaaliya iyo Somaliland, magaca Somaliland waa dhulkii Soomaaliyeed, wada hadalada inta badan ma jiraan wax ka soo baxa, maxaa la isku wareerinayaa.” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii uu xalay ka qeyb galay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka.