Saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyay in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo dalka ka maqan uu amar ku bixiyay in la joojiyo kulan uu soo agaasimay wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Garoowe lagu qaban lahaa.
Wasiir Jamaal oo shalay Garowe loogu doortay xubin ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sida wararku sheegayaan xalay kulan ku qaban lahaaa xarunta jaamacadda PSU ee magaalada Garowe, kulankaas oo la qorsheeyay in ardada jaamacadda ay khudbado ugu jeediyaan wasiirka iyo mas’uuliyiin kale oo heer federaal ah.
Mas’uuliyiinta kulanka laga joojiyay ayaa kala ah Wasiir Jamaal oo ka hadli lahaa deeqaha caalamku siiyo Soomaaliya iyo sida loo maamulo, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo ah guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxa-bannaan ee Soomaaliya, kana hadli laheyd geedi socodka doorashooyinka Soomaaliya ee sannadka 2020 iyo Cabdiqani Cabdi Jaamac oo ah la taliyaha ra’iisul wasaare Xassan Cali Kheyre, islamarkaana ka warbixin lahaa waxqabadka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka iyo mas’uuliyiinta la socotay ayaa la sheegay in ay xiriir la sameeeyeen, madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Camey oo ay ka codsadeen in kulanka loo fasaxo, hase yeeshee ma suurta-gelin dalabkaas, sida ay xaqiijiyeen ilo xog’ogaal ah.
Wasiirka warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in shirkaas la joojiyay, waxuuna sababta shirka loo joojiyey uu ku sheegay xiriirka Puntland iyo dowlada dhaxe oo go’an.
Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay bishii September ee sanadkan, xilligaasi oo mamul goboleedyada ay sheegeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.