Gaas Oo lagu Eedeyay in Uu Makeenado lacago been abuur ah Sameeya Uu geeyay Garoowe

Senator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa eedeyn u jeediyay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu sheegay in uu dhibaato u badan geystay intuu ahaa Madaxweynaha.

Faroole ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Puntland iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland  in ay Makiinado lacagaha sameeya geysteen Garoowe.

Waxaa uu sheegay in sameynta lacagaha been abuur ah ay dhibaato badan kasoo gaartay dadka Shacabka ah ee kunool degaanada maamulka Puntland.

Faroole ayaa sheegay in C/Wali Gaas iyo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ay faragelin ku hayaan doorashada  lagu wadda in ay ka dhacdo degaannada Maamulkaas billowga Bisha soo socota.

Waxaa uu tilmaamay in Cabdiweli uu ku fashilmay maamulidda Puntland isaga oo sheegay in shaqaalaha iyo ciidamada Puntland aysan mushaar qaadan.