Gaas oo Maanta baarlamaanka Khudbad u jeedin doona

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta lagu waddaa in uu hortaggo Baarlamaanka Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu waddaa in uu xildhibaanada ka horjeediyo Khudbad ballaaran oo meelo badan taabaneysa taasoo  uu kaga hadlaayo Xaaladda Puntland.

Arrimaha Amniga Puntland,gaar ahaanna colaadda ka aloosan gobolka Sool ee u dhexaysa Puntland iyo Somaliland ayaa la filaya in madaxweyne Gaas uu si gaar ah khudbaddiisa uga hadlo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Baarlamaanka uga warbixin doona waxqabadka Xukuumadda Puntland.