Gaas oo Magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas ayaa Maxamed Yuusuf Maxamuud u magacaabay Garyaqaanka guud ee Puntland ,sida ku cad wareegto goor dhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay buuxinta Xilka Garyaqaanka guud ee Puntland.

Gaas waxaa uu sheegay in uu aqoon iyo karti uu leeyihiin xilka loo Magacaabay Garyaqaanka cusub.

Maxamed Muuse Ismaaciil oo ahaa garyaqaankii guud ee Puntland ayaa geeriyooday Bishii March ee Sanadkaan 2018-ka