Agaasimaha Warbaahinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Galmudug, Mudane Farxaan Axmed Cabdi, ayaa maanta daah-furay tababar kor loogu qaadayo xirfadaha wariyayaasha ka howlgala caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.
Tababarkan oo socon doona dhowr maalmood ayaa lagu bartilmaameedsaday in lagu xoojiyo xirfadaha warbaahineed, gaar ahaan dhinacyada warbixinta horumarinta, qorsheynta iyo fahamka mashaariicda horumarineed ee dowlad-goboleedka.
Intii uu socday furitaanka, Agaasimaha ayaa wacyigelin iyo dardaaran u jeediyay wariyayaasha, isagoo ku booriyay inay door weyn ka qaataan gudbinta wararka horumarka iyo xaqiiqada dhabta ah ee Galmudug, kana fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku saleysneyn.
Ugu dambeyn, Mudane Farxaan ayaa xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto taageerada iyo tababarada noocan oo kale ah, si loo helo warbaahin xirfad leh oo ka turjumta horumarka iyo qorshayaasha Galmudug.