Gabadh u shaqeynaysay Hay’ad oo lagu toogtay Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa degmadaasi lagu dilay gabar u shaqeyneysay Hay’ad hoostagta Qaramada Midoobay.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Maryan C/laahi Maxamuud ayaa waxa ay u shaqeyneysay Hay’ada Caafimaadka Aduunka Qaramada Midoobay ee WHO.

Dad goobjoogayaal ah ayaa Idaacadda Risaala waxa ay u sheegeen in Dabley hubeysan ay Gabadhan ku dileen Boosteejada laga raaco Gaadiidka Baydhabo ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxaa halkaasi ka baxsaday raggii dilka geystay.

Meydka Marxuumada ayaa markii dambe waxaa meesha ka qaaday laamaha amniga, waxaana la geeyay Xarunta dambi baarista ee C.I.D, halkaas oo sawirro looga qaaday, si baaris loogu sameeyo.