Gabar macalimad ah oo lagu dilay Miqdisho

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan dil Magaalada Muqdisho loogu geystay gabadh lagu Magacaabo Safiya Cabdiraxmaan Fatax oo ka mid aheyd gabdhaha waxbartay ee kunoolaa Magaalada Muqdisho.

Dilka ayaa ka dhacay degmada Wadajir gaar ahaan Xaafadda Ceelqalow sidda ay warbaahinta u xaqiijiyeen Ehelka gabadha la dilay.

Waxa ay ka mid aheyd gabdhaha Firfircoon ee kunool Magaalada Muqdisho, waxaana macalimad ay ka aheyd Iskuulka Raage Ugaas oo ku yaalla Muqdisho.

Dilka ayaa yimid ka dib markii Mooto ay saarneyd uu rasaas ku furay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Soomaaliya oo doonaayay in uu rasaas ku furto wadada oo aheyd mid Mashquul ah.

Dilkaan ayaa ka naxiyay qaar badan oo ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho, waxaana ay dalbanaayeen Saacaddihii lasoo dhaafay in Caddaaladda la horkeeno Askarigii dilka geystay.