Galmudug oo Hambalyo iyo Bogaadin u Dirtay Hoggaamiyaha Cusub ee Koonfur Galbeed

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa hambalyo iyo bogaadin u dirtay Hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaddib guushii uu ka gaaray doorashadii hoggaanka maamulkaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Galmudug ayaa lagu sheegay in maamulka iyo shacabka Galmudug ay si diirran u soo dhaweynayaan natiijada doorashada, iyagoo u hambalyeynaya Hoggaamiyaha cusub kalsoonida ay siiyeen Golaha Wakiillada iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa u rajeysay Sheekh Aadan Maxamed Nuur guul iyo towfiiq inta uu gudanayo waajibaadka culus ee loo igmaday, iyadoo xustay in xilka hoggaamineed ee loo doortay uu u baahan yahay dadaal, hufnaan iyo hoggaan mideeya bulshada si loo gaaro horumar waara iyo xasillooni siyaasadeed.

Sidoo kale, Galmudug ayaa bogaadisay habsami u socodka doorashada iyo sida nabdoon ee ay u dhacday, iyadoo tilmaamtay in geeddi-socodka doorashadu uu muujinayo bisayl siyaasadeed iyo horumar laga sameeyay dhinaca dowlad-dhiska iyo dimuqraadiyadda dalka.

Maamulka Galmudug ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo isku xirnaanta dowlad-goboleedyada dalka si loo xoojiyo amniga, horumarka iyo adeegyada bulshada, loona dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo Soomaaliya oo mideysan, xasilloon isla markaana horumar gaarta.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa Alle uga baryay Hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed inuu ku guuleeyo masuuliyadda loo doortay, isla markaana uu noqdo hoggaan ka shaqeeya danaha shacabka, mideynta bulshada iyo horumarinta deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.