Duqa caasimada Dhuusamareeb Abdirahman Ali Mohamed Geedqorow ayaa maanta xarunta dhexe ee maamulka caasimadda ka daahfuray nidaamka diwaan gelinta shacabka ee heer qaran,
Gudoomiyaha oo madasha kala hadlay ayaa sheegay in nidaamkani uu yahay mid badalaya nidaamyo hore oo dhiig-joojin ahaa hadana la qaatay nidaamka diiwaanka dhalashoyinka heer qaran,
Gudoomiyaha Caasimada cabdirixmaan Geeda-qorow ayaa ugu baaqay shacabka caasimadda in la qaato dhalashooyinka iyagoo muhiim u ah dhamaan adeegyada lagama maarmaanka ah ee qofku u baahanyahay sida Waxbarashada iyo Caafimaadka
Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in shahaadada dhalashada caruurta yar yar wixii maanta ka bilaabatada laga qaadan doono isbitaalada iyo Xarunta maamulku ku shaqeeyo,