Galmudug Oo looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Alshabaab

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay qeyb ka yihiin Wasiirka Amniga Galmudug & Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay xalay ku hoydeen degaanka Bulacle oo hoos taga Degmada Ceelbuur, halkaas oo kamid ah degaannada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in uu bilaawday dagaal ka dhan ah Al-Shabaab ee looga saarayo degaannada ay kaga sugan yihiin degmooyinka Dowlad goboleedka Galmudug.

Waxaa uu sheegay in dhamaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan degaannada Galmudug iyo Ciidamada Galmudug ay ka qeyb qaadan doonaan howlgalalda si Al-Shabaab uga saaraan deegaannada ay dadka ku dhibaateeyaan sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa dhankiisa sheegay in degaanka Bulacle ay u tageen sidii loo bilaabi lahaa dagaal ka dhan ah Al-Shabaab si looga saaro degaananda ay weli u sugan yihiin.

Waxaa uu sheegay in Al-Shabaab aysan awood weyn ku laheyn degaannada Galmudug,hayeeshee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay u diyaarsan yihiin inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysanayaan.

Shalay ayaa Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay weerareen degaanka Shabeellow oo 25km Bari kaga beegan degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay dadka degaanka oo hubka qaatay iyo Al-Shabaab walow markii dambe ay dagaalka ku biireen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya.