Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Cabdikariin Axmed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka iyo xubnaha kale ee guddiga ayaa goob-joog ka ah munaasabadda dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.
Munaasabaddan ayaa ah mid muhiim u ah geeddi-socodka doorashooyinka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee Galmudug, iyadoo xildhibaannada cusub ay si rasmi ah u bilaabayaan waajibaadkooda shaqo ee matalaadda shacabka iyo gudashada masuuliyadaha dastuuriga ah ee saaran.
Taariikh ahaan, tani waa markii ugu horreysay ee Galmudug ay yeelato xildhibaanno lagu soo doortay doorasho qof iyo cod ah, taas oo muujinaysa isbeddel ku yimid habka ay shacabka uga qeybqaadanayaan soo xulashada wakiilladooda.
Doorashada qof iyo cod ayaa saldhig u ah nidaamka dimuqraadiyadeed, maadaama ay muwaadiniinta siinayso fursad ay si toos ah codkooda ugu doortaan wakiillada matalaya danahooda. Hirgelinta nidaamkan ayaa sidoo kale muhiim u ah dadaallada lagu xoojinayo ka-qaybgalka bulshada, isla xisaabtanka iyo matalaadda shacabka.
Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa door muhiim ah ku leh diyaarinta iyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo munaasabadda dhaarinta ay qayb ka tahay tallaabooyinka lagu dhammaystirayo hawlaha la xiriira doorashada Golaha Wakiillada Galmudug.
Xildhibaannada cusub ayaa laga sugayaa inay gutaan waajibaadkooda sharciyeed, matalaan bulshada ay ka yimaadeen, kana shaqeeyaan arrimaha mudnaanta u leh dadka Galmudug.
Munaasabaddan ayaa noqonaysa dhacdo taariikhi ah oo ka mid ah marxaladaha siyaasadeed ee Galmudug, maadaama ay astaan u tahay bilowga shaqada gole wakiillo oo xubnihiisa lagu soo doortay habka qof iyo cod.