galmudug oo soo dhaweysay wafdi kasocda dowladda somaliya oo soo gaaray dhusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Ali Dahir Eid ayaa Madaxtoyada Galmudug ku so dhaweyay labo Wafdi oo ay kala hogaaminayeen Wasiirada Haweenka Dowlada Somalia Marwo Khadiijo Diriye iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somalia u qaabilsan arimaha Xasilinta Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Wafdigaan ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibano iyo Sanatoro heer Fadaralka ah iyo Taliye kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Masuliyiintaan ayaa mudo labo maalin ah ku sugnaan doona Caasimada Galmudug Ee Dhusamareeb waxayna kulamo kala duwan la yeelanayaan Wasiirada Galmudug, GarsoorkaGalmudug iyo laamaha Amniga Galmudug.Â