Galmudug & Puntland oo ku guuleystay furista Waddo horay uxirneyd

Shan sano kadib ayaa lagu guuleystay in si wadajir ah loo furo Wadada Dur-dur ee marta galbeedka Gaalkacyo, dadaalo ay sameeyen maamulada Puntland iyo Galmudug oo mudooyinkii u dambeeyay ka waday is kaashi hormarineed gobolka .

Maamulka Gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland, Taliyaha qaybta Boiiska Gobolka Mudug Muumin, Senator Cabdi-qaybdiid, Taliyihii Hore ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen. Cabdiweli Gorod, iyo masuuliyiin horey gobolka xilal uga soo qabtay puntland iyo Galmudug oo goobjoog ka ahaa.

Duqa Degmada Gaalkacyo Saahid Maxamuud Cali oo ka hadlay goobta ayaa waxa uu sheegay in lagu guuleystay furista wadadaan oo mudo shan sano ah xirneed.

Sidoo kale Duqa Degmada Gaalkacyo ee Puntland ayaa waxa uu sheegay in furitaanka wadadaan ay tahay talaabo ka mid talaabooyinka horumarka Galkacyo oo haray loo qaaday.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa horay u sheegay in Galmudug iyo Puntland ay siwadajir ah isaga kaashan doonaan sugida Amniga Magaalada Gaalkacyo.