Ganacsade lagu dilay suuqa bakaaraha

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaasi ay koox hubeysan ku dileen Nin Ganacsade ahaa.

Ganacsadaha ayaa Magaciisa lagu sheegay Nuur Kheyr,kaas oo ilo ku sugan suuqa Bakaaraha u sheegeen warbaahinta in uu ka mid ahaa saamileyda mid ka mid ah sharikadaha Hilibka ee ka jira Muqdisho.

Qof ka mid ah Shaqaalaha Sharikadda SOM Meat oo uu ka tirsanaa Nuur ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in lagu dilay Bakaaraha.

Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa in ay isaga baxsadeen halkii ay dilka ka geysteen oo ah Waddada 2aad ee Suuqa Bakaaraha.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta iyaga oo baaritaanna halkaas ka sameeyay halkii uu dilka ka dhacay,lamana sheegin cid loo soo qabtay ilaa hadda.