Ganacsade Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

Waxaa xalay dalka Koonfur Afrika lagu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Soomaalida ku Ganacsata dalkaasi Koonfur Afrika.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay Magalada Mayfair ee dalkaasi Koonfur afrika,waxaana Muwaadinka soomaaliyeed ee la dilay Magaciisa lagu sheegay Cali Yare.

Wariyeyaal ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay sheegeen in dilkaasi uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo khilaaf hore uu kala dhaxeeyay.

Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika ayaa gacnata ku dhigay wiilka Soomaaliga ah ee dilay Wiilka kale ee Soomaaliga ah,iyaga oo baaritaano ku sameynaya.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan dilal arxandaro ah loogu geystaa Ganacsatada Soomaaliyeed,hayeeshee dilkii xalay uu ka duwan yahay dilalkii hore maadaama dadka isdilay ay yihiin Soomaali.